Madaxweyne Muuse Biixi oo Kulan Deg Deg ah Isugu Yeeray Mucaaradka Somaliland

0

Madaxweynaha Somaliland iyo musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani, oo shir ku yeeshay madaxtooyada, ayaa shacabka ugu baaqay in ay muujiyaan midnimado, oo ay garab istaagaan ciidamada millateriga.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo hadalka ku horeeyay ayaa shacabka u sheegay in ciidanka Somaliland ay leeyihiin awoodii ay hore u lahaayeen, isla markaana ay jawaab ka bixin doonaan weerarkii shalay lagu jabiyay.

“Waxan u sheegaya shacabka Somaliland in ciidanku sidiisii yahay, dhibaato way soo gaadhay lakiin xoogiisii iyo fikirkiisii, geesinimadiisii iyo dal jacaylkiisii intiiba waa sidii, inshallana dhibaatada deg deg ayaynu uga soo waaqsan doonaa oo aynu uga soo aargudan doonaa cadawga huwanta ah ee dhibaatadaasi inaga soo gaadhay” ayuu yidhi Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu shacabka ugu haaqay in ay midoobaan, oo difaaca Somaliland ay meel uga soo wada jeedsadaan, waxaanu sheegay in siyaasada lagu tartamayo, lakiin danta guud la wada ilaalinayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here