Ciidamadda Dowladda oo La Wareegay Degmadda Ceelbuur ee Galgaduud

0

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa dadka deegaanka ay goordhaw la wareegeen gacan ku heynta degmada Ceelbuur, kadib markii halkaasi ay isaga baxeen dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.

Ciidamada is kaashanaya ayaa ka hor inta aysan gacanta ku dhigin degmada Ceelbuur waxaa uu dagaal culus ku qabsaday duuleedka degmadaas, kaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo aan ilaa hada la xaqijjin inta uu dhan yahay.

Taliyaha ciidanka Lugta Soomaaliya Jeneraal Axmed Aadan ayaa xaqijiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa deeggaanka ay goor dhaweyd gudaha u galeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa sanadooyin ku sugnaa Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud,waxaana la sheegay in gacantooda ka baxdo ay u tahay jab soo gaaray.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here