Wararka Ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa ku waramaya in iska hor imaad uu magaaladaas ka dhacay habeenimadii xalay aheyd.
Iska hor imaadkaan ayaa waxa uu dhexmaray Ciidamadda Maamulka Puntland ee ka howlgala Magaaladda Garoowe,iyo ciidamo ka Tirsan kuwa Danab ee kasoo horjeeda nidaamka Madaxweyne Saciid C/laahi Deni.
Sida ay inoo sheegeen goob-joogayaal iska horimaadka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceyn Ciidamadda Booliska Magaaladda Garoowe oo howlgal ku jirey iyo ciidamo ka Tirsan kuwa Danab oo meel kamid ah Magaalada ku isticmaalayay maandooriyaha qamriga loo yaqaano.
Taliye ku xigeenka qaybta Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle dhexe Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) ayaa ka warbixiyay iska hor-imaad kooban oo xalay ka dhacay caasimadda Garoowe.
Taliye Fardafuul ayaa sheegay in iska hor-imaadkaas uu dhexmaray ciidanka Booliska iyo rag uu ku eedeeyay in ay isticmaaleen maandooriyaha Khamriga oo ka tirsan ciidanka Danab ee uu hoggaamiyo Gen. Jimcaale Jaamac Takar.
Gaashaanle dhexe Fardafuul ayaa sheegay in iska hor-imaadka oo ka dhacay saldhiga xaafadda Israac ee Garoowe uu ku dhaawacmay hal askari oo kamid ah dhinaca ciidanka uu hoggaamiyo Jimcaale.
Taliye ku xigeenka qaybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa sidoo kale ku eedeeyay ragga ka tirsan ciidanka Jimcaale in ay mas’uul ka yihiin wixii ka dhacay saldhiga Israac ee Garoowe kadib markii sida uu sheegay ay isticmaaleen maandooriyaha Khamriga.
Magaaladda garoowe ayaa mudooyinkii dambe wajahaysay falal amniga lidi ku ah,kadib markii Magaaladda ay gudaha usoo galeyn ciidamo uu hogaaminayo Gen. Jimcaale Jaamac Takar oo ah Taliyaha Ciidamadda Danab ee Puntland.
Siyaasiyiin badan oo ku sugan Magaaladda Garoowe ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay soo abaabulan ciidamadda dhibaatooyinka ka geysta Magaaladdda,kuwaasi oo diidan xil heynta saciid Deni.

