Ciidamadda Dowladda oo Al-Shabaab Kala Wareegay Garileey iyo Cali-Yabaal

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ay ka fuliyeen deegaannada Garileey iyo Cali-Yabaal ee Gobolka Galgaduud ku dilay 5 ka tirsan Alshabaab,

General Cali Caanood afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sheegay in deegaanka Jirjir-xiireey oo u dhaxeeya Ruun-nirgood iyo Cali-Heelle ee kala ah gobollada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud laga saaray shabaab keymahaas ku dhax-dhuumanayay.

Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka howgallo culus ka wadaan dhulka keymaha ah, isagoo sheegay in ciidankaas ku wajahanyihiin magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee ah labada degmo ee kali ah gobolkaas ee ku haray gacanta  Alshabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaa shaanaya saaxiibada caalamiga ayaa howlgallo lagu ciribtirayo shabaab ka wada goobaha ku dhuumaaleysanayaan shabaab, iyagoo ka saaray dhulal badan oo Al-shabaab ku dhibaateyn jirtay shacabka Soomaaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here