Dowladda oo Sheegtay in Howlgal Lagu Dilay 20-ka Tirsanaa Al-shabaab

0

In ka badan 20 ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo ciidamada Qaranka iyo Saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen deegaanka Cali Fuuto oo qiyaastii 35 KM u jira degmada Kuntuwaaray ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan oo dhacay xalay abaaro Saddexdii habeenimo ayaa waxaa lagu beegsaday laba Guri oo shabaab  ay ku diyaarinayeen maleeshiyaad iyo waxyaabaha qarxa, waxaana howlgalka lagu burburiyey Guryihii shabaab fariisinka u ahaa iyo wixii saanad ciidan ahaa ee halkaas ay ku diyaarinayeen.

Howlgalkaan ayaa qeyb ka ahaa burburinta shabaab iyadoo ciidanka Qaranka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka ay ka go’an tahay sifaynta kooxdaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here