Dowladda Soomaaliya oo Digniin u Dirtay Shacabka Gal-Hareeri iyo Ceelbuur

0

Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay digniintii labaad oo ku wajahan shacabka ku sugan degaanada ay Shabaabku haystaan.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga, Sarreeye Guuto, Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa ku wargaliyay dadka deggen degaanada laga xukumo  degmada Gal-Hareeri iyo Ceelbuur inay isaga baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Afhayeenka gaashaandhigga wuxuu sheegay inay Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibaddeeda caaamka ay bilaabayaan dagaallo toos ah iyo duqaymo aan kala joogsi lahayn oo lagu bartilmaameesanayo goobaha Alshabaab.

“Waxaan jeclahay inaan idiin sheego in laga fogaado dhulka u dhaxeeya, Xiindheere illaa Garab la’. Waa meelaha ay dhibaatadu idinka soo gaari karto. Waxaan idinka codsanaynaa, Ceel Qooxle, Wabxo, Ceel Xarardheere, Dabagalo, iyo Jacar, degaanadaas oo dhan aan idiin sheegnay in laga fogaado,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here