Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas, Ibraahim Sheekh Muxiyaddiin, ayaa sheegay in aysan muqaan ififaalo ciidamada dalalka deriska ay kaga qeyb qaadanayaan wajiga 2-aad dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka waxa uu sheegay qorshaha la filayay inay ciidamada dalalka Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya uga qeyb galaan dagaalka Alshabaab, uusan caddayn, isagoo sheegay waddamadaas in aysan waqtigaan diyaar u ahayn inay dagaalka kasoo qeyb galaan.
“Ka qeyb noqoshada howlgalka Libaaxa Madow ee gulufka colaadeed, ma dhihi karno waa baaba’ay, laakiin nooma muuqdo muuqaal ku saabsan in ciidamada dalalka deriskeenna ay toos uga qeyb galayaan dagaalka,” ayuu yiri taliyaha ciidanka xoogga dalka.

