Ciidamadda Dowladda iyo Al-Shabaab oo Ku Dagaalamay Deegaanka Basra

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Basra oo ku yaala inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Balcad ee gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, kaaso dhaxmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerareen Saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Basra.

Dagaalka ayaa dadka deegaanka waxay sheegeen inuu ahaa mid aah u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa, hayeeshee aanan wali la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka dhacay Basra.

Waxaa sidoo kale ay tilmaameen dadka deegaanka in dagaalka uu ahaa mid dhexmaray ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo kuwa Nabadsugida Soomaaliya oo dhinac ah iyo kuwa  Al-shabaab.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee dagaalka ka dhashay balse,saraakiisha Ciidamadda Dowladda waxa ay sheegeen in shabaab dagaalkaas lagu jabiyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here