NISA oo Qabatay Qaraxyo Kusoo Wajahnaa Magaaladda Muqdisho+Sawirro

0

Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ka dhacay xalay deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho lagu qabtay gaari qaraxyo ay ku rarnaayen oo kusoo wajahnaa Magaaladda Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay in Hay’adda ay la socotay dhaqdhaqaaqa gaariga iyo shaqsigii waday,islamarkaana xalay lagu qabtay deegaanka Ceelasha biyaha,islamarkaana laga hortagay dhibaato loo geysan lahaa shacabka Soomaaliyeed.

SIdoo kale qoraalka Hay’adda ayaa lagu sheegay in Ciidamadda NISA ay toogteen ninkii waday gaariga ay saarnaayeen waxybaaha qarxa,islamarkaana gacanta lagu dhigay gaarigii iyo waxybaahihii qarxayay ee lagu waday.

“Ciidanka NISA ayaa degaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka Muqdisho ku dilay dhagarqabe ka tirsanaa l-shabaab oo watay gaari ay ku soo rareen waxyaabaha qarxa, NISA ayaa ku guuleysatay inay khaarajiso ninkaas oo dabagal ay ku heysay, iyadoo laga furtay gaarigii ay qaraxyada ku soo rareen oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed’, ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda NISA.

Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay qaraxyadda ay gawaariga kusoo qaadaan si howlgalo ugu fuliyaan Magaaladda muqdisho,kadib markii dowladda ay kordhisay howlgaladda Al-shabaab ka dhan ah.

Balse Ciidamada amaanka ayaa dhankooda kordhiyay howlgaladda sida joogtada ah kaga dhacaya Magaaladda,si looga hortago qaraxyadda iyo dilalka ka dhacaya Magaaladda Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here