Hoggaamiyaha golaha dhexe ee fulinta SSC- Khaatuma iyo ku xigeenkiisa ayaa si rasmi ah loogu doortay magaalada Laascaanood.
Cabdulkadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), 51 sano jir ku dhashay degmada Taleex ee gobolka Sool, ayaa loo doortay hoggaamiyaha fulinta SSC- Khaatumo, halka ku xigeenkiisa loo doortay Maxamed C/ Ismail Shiine.
Mas’uuliyiintan ayaa lagu doortay doorasho qarsoodi ah oo ay cod bixiyaal ka ahaayeen 45-ka xubnood ee golaha dhexe ee SSC- Khaatumo.
Hoggaanka fulinta SSC- Khaatuma waxaa ku tartamay Cabdulkadir Firdhiye, iyo Maxamed Ismaaciil Bulaale, waxaana 30 cod helay Cabdiqaadir Firdhiye, halka uu 15 cod helay Maxamed Ismaaciil Bulaale.
Ku xigeenka SSC- Khaatumo ayaa loo doortay Mohamed Abdi Ismail (Shiine). Wuxuuna ka guulaystay oo la tartamay Dr. Addan C/Laahi.

