Bankiga Adduunka oo Meel mariyey $75 milyan oo Lagu Kabayo Miisaaniyadda DFS

0

Guddiga Sare ee Maamulka Baanka Adduunka ayaa ansixiyay deeq lacageed oo dhan $75 milyan oo loogu talagalay kab ka miisaanidda Dowladda, deeqdaas oo gaar ahaan ka timid barnaamijka horumarinta Siyaasadda Dhaqaalaha (DPO).

Dadaalka Soomaaliya ee ku aaddan dhisidda hay’ado xooggan ayaa lagu kordhiyey deeq cusub oo dhan $75 milyan, waana deeqdii labaad ee laba deeqood oo xiriir ah oo ka caawineysa dalka inuu horumar ka sameeyo dadaalkisa si uu ugu qalmo  deyn cafinta buuxda oo aan laga laaban Karin.

“Iyadoo oo ay jiraan xaalado badan oo naxdin leh iyo kuwo is dulsaaran oo la xiriira khataro cimilo oo soo noqnoqday, iyo sidoo kale jilicsanaanta baahsan, dawladda Soomaaliya waxa ay fulinaysaa barnaamij hammi leh oo dib-u-habayn lagu dhisayo hay’adaha dawladda, soo jiidashada maalgashiga, iyo in la gaaro kobac dhaqaale oo loo dhan yahay iyo shaqo abuur, taas oo la jaanqaadi karta Qarannimada sagaalaad.

“Qorshaha Horumarineed oo qeexaya dhinacyo badan oo mudnaanta u leh horumarinta dalka, kuwaas oo dhowr kamid ah ay taageerto Maalgelinta Siyaasadda Horumarinta (DPF).

“DPF-dan waxay taageertaa rabitaanka dawladda ee ah in la dhiso aasaaska dhaqaalaha casriga ah ee hay’adaha la xoojiyo, waxa kale oo ay muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ay Soomaaliya ka samaysay dhinaca dhismaha hay’adaha dawladda iyo horumarinta dhaqaalaha, taas oo u gogol xaaraysa mustaqbal xasiloon oo waara,” ayay tiri Kristina Svensson, Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya.

Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka kasoo baxay Bankig aduunka ee ku aadan kabka miisaaniyadda Dowladda.

“Dowladda Federalka Soomaaliya waxa ay si buuxda u soo dhaweyneysaa, kana mahadcelinaysaa taageerada Miisaaniyadeed ee Bangiga Adduunka uu ugu deeqay Dowladda Soomaaliya.

“Taageeradaan Maaliyadeed waxa ay imaaneysaa xiligii ugu habooneyd ee dowladdu ay guul ka gaartay dib-u-habeynta dhaqaalaha, waxa ayna sahlaysaa in si habsami leh ay u siiscodaan dadaalada aan aan ugu jirno kobcinta dhaqaalaha loo dhan yahay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here