Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xalay kulan la qaatay saraakiisha laamaha amaanka kadib qaraxii ka dhacay Kuliyadda Jaala Siyaad ee Magaaladda muqdisho.
Xasan Shiikh ayaa dalka ka maqnaa xiliga uu qaraxa dhacayay,waxaana lagu dhaliilay Madaxtooyadda Soomaaliya in ay ka hadli weysay qaraxa ka dhacay Kuliyadda Jaala Siyaad.
Xalay kulan ka dhacay Madaxtooyadda Soomaaliya ayuu Madaxweynaha la yeeshay Saraakiisha Amniga,waxaana Madaxweynaha loo gudbiyay warbixin horudhac ah oo ku saabsan qaraxa dhacay.
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la sheegay inuu taliyayaasha ciidamada uu la kulmay uu faray iney si dhab ah u qaataan mas’uuliyada fashilka weerarkaasi, wuxuuna dalbaday iney si deg deg ah loosoo afjaro baarista si shacabka loola wadaago oo ay cid gaar ah u qaadato dyaacaasi amni.
Qaraxii kulliyadda Jaalle Siyaad Magaaladda muqdisho ayaa lagu dilay 25-askari oo ka Tirsanaa ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya waxaana fuliyay qof soo xitay jaakadda qaraxyada,

