Hay’adda MSF ayaa shaacisay inay sii wadidoonto shaqada gobolka Sool, iyada oo hawlaheeda caafimaadka kasii wadi doonta degaanka Kalabaydh, oo qiyaastii 40 kiiloomitir koonfur ka xigta magaalada Laascaanood.
War saxaafadeed kasoo baxay hay’adda MSF ayaa lagu sheegay in hay’addu ay bixinayso daryeelka aasaasiga ah ee hooyada iyo dhalmada kasoo barakacay colaadaha Laascaanood.
Dhawaan ayay ahayd markii hay’adda MSF ay shaacisay in ay ka baxayso gobolka Sool, kaddib markii shaqaalaheeda ay saamayn ku yeesheen duqeymaha Somaliland ay kusoo garaacayso xarumaha caafimaadka ee Laascaanood.
Balse, dadaalo ay sameeyeen golaha sare ee dhaqanka SSC- Khaatumo ayaa lagu guulaystay in hay’adda lagu qanciyo in aanay guud ahaan ka bixin gobolka, balse ay howlaheeda si kumeel gaar ah ugasii waddo degaanka Kalabaydh.

