Muwaadin Soomaaliyeed ayaa xalay lagu dilay deegaanada hoostaga magaalada Port Elizabeth ee Gobolka Westren Cape ee dalka koonfur afrika.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal dilkaan waxaa geystay seddex nin oo hubeysnaa,waxayna muwaadinka Soomaaliyeed ku dileen goobtiisa Ganacsi.
Muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Maxamed deeq Madar, waxaana la sheegay in burcada ay ku dhex toogatay goobtiisa ganacsi.
Burcada ayaa la sheegay iney horay uga qaateen dukaanka lacago iyo agab kale oo dukaanka dhex yaalay, dabadeedna si bilaa cabsi ah uga tageen goobta ay ku dileen ganacsadaha Soomaaliyeed.

