Ruushka oo Soomaaliya u Cafiyay Deyn Lacageed oo Dhan $684 Malyan

0
Dawladda Ruushka ayaa ka cafiday Soomaaliya deyn lacageed oo dhan $684 Malyan oo Dollar, taas oo lagu lahaa dawladda Soomaaliya, lacagtan ayaa dalka lagaliyey xiliyo kale duwan, gaar ahaana waqtigii Xukuumaddii burburka ka hor, iyadoo badankeed u badnayd hub iyo kaabayaal dhaqaale qaarkood.
Geedi socod deyn-cafintan Ruushka ayaa bilowday March 2020-kii oo uu saxiixay wasiirkii maaliyada ee xiligaas ayaa ugu dambeyn uu maanta saxiixay wasiirka maaliyada Federaalka Biixi Imaan Cigge.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu yiri”
“Waxaa magaalada Saint-Petresburg ee dalka Ruushka lagu saxiixay heshiis muhiim u ah barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda XukuumaddaFederaalkaSoomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda dalka Ruushka Mudane Timur Igorevich Maksimov la saxiixday heshiis ay Dowladda Ruushka Soomaaliya kaga cafisay lacag dhan $684 Milyan oo Doollar.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iman Cige oo soo saaray qoraal kooban oo faahfaahin iyo mahadcelin ah ayaa yiri “waxa aan ku faraxsanahay in aan Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda dalka Ruushka aan la saxiixday heshiis ay Dowladda Ruushku Soomaaliya uga cafisay lacag $684 Milyan oo Doollar.
Waxa aan sidoo kale is af-garad ka gaarnay lacag dhan $7.5 Milyan oo ka mid ahayd deymihii ay nagu lahayd Dowladda Ruushka. Tallaabadan ayaa door wayn ka qaadan doonta dhammaystirka geedi socodka Deyn Cafinta dalka”
Heshiiskaan oo ka dhacay magaalada Saint- Petersburg ee dalka Ruushka ayaa waxa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salaax Axmed Jaamac yo masuuliyiin kale oo ka kala socotay dalalka Ruushka iyo Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here