Baarlamanka Maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in uu saakay oo Talaado ah si rasmi ah u guda-galo furista dastuurka,kadib markii Xildhibaanadda Baarlamaanka maamulkaas ay dhawaan u codeeyeen in la furo dastuurka.
Kulanka maanta ayaa waxaa ka qeyb galaya inta badan Xildhibaanadda baarlamaanka Maamulkaas,waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka magaalada Garoowe,kadib markii dagaal uu ka dhacay kadib furista Dastuurka Maamulkaas.
Xildhibaannada ayaa la filayaa in ay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyaan wax ka beddelka dastuurka inkastoo aan weli laga heshiin khilaafka ka taagan.
Dhinaca ale waxa socda waan-waanta ay wadaan Islaan Ciise iyo Islaan Bashiir ee lagu xallinayo khilaafka Madaxtooyadda iyo siyaasiyiinta mucaaradka,oo diidan In ka wax ka badal lagu sameeyo dastuurka Maamulkas.
Magaaladda Garoowe waxaa xalay ka dhacay kulamo u dhaxeeyay Dhaqanka Magaaladda Garoowe, iyo xubnaha mucaaradka waxaana lagu heshiiyay in xubnaha mucaaradka aysan qaadin wax tilaabo ah lagana war sugo isimadda dhaqanka.
Dhanka kale Ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo kuwa Maamulka ayaa ku kala sugan xarumoodii hore ma jiraan wax dhaq dhaqaaqyo ciidan ah,kadib dagaalkii Magaaladda ka dhacay kadib furistii Dastuurka maamulka Puntland.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa ku adkeynaya in wax ka badal lagu sameeyo dastuurka maamulka Puntland si muddo kordhin u helo.

