Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Helay Hub Culus iyo Diyaarado Dagaal

0

Lataliyaha amniga madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay heleen hub culus iyo diyaarado ay u adeegsan doonaan la dagaalanka Al-shabaab.

Lataliyaha amniga madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in hubka ay heleen ciidanka dowladda uu isugu jiro Hoobiyaal, lidka diyaaradaha ee loo yaqaano Suuga iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helikabtarka, wuxuuna sheegay inuu filayo in ciidanka ay u horseedi doonaan guulo la taaban karo.

“Dowladda Soomaaliya cuna qabateyntii hubka ee saarneyd sanad ka hor ayaa laga qafiifiyay, sidaas ayay dowladda bilihii lasoo dhaafay hubabka ku jiray kuwa xaaraanta ahaa ama lagu adkeyn jiray inay soo hesho Soomaaliya ay saaxiibo soo siiyaan qaarna ay soo gadatay, Waxa sido kale jira Helicopter hub saaran yahay oo loogu tala galay inta badan in dhaawaca lagu daabulo oo ciidanka Soomaaliya ay maanta leeyihiin, hubka waa weyn ee hoobiyeyaasha ee 120-ka oo ku jiray hubka ka xaaraanta ah dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali

Waxuu sidoo kale tilmaamay Xuseen Sheekh Cali in hubkan culus ay adeegsan doonaan ciidanka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah loosoo tababaray oo kaga qeyb qaadan doona wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo la filayo inuu dhawaan bilaawdo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here