Wararka haatan naga soo gaaraya degmada Wadajir gaaar ahaan xaafada Buulo-xubey ayaa ku waramaya in xaafdaaas goor dhaweyd lagu dilay darawal u shaqeynayay Turky-ga.
Kooxda Hubeysan oo watay gaari noociiisa uu yahay kuwa raaxada ayaa isku horgeeyay gaari kale uu watay darawalka u shaqeynayay turkey-ga iyagoona rasaas xoogan ku furey ninka darawalka ahaa taasi oo keentay dhimashada darawalka.
Dablbeydii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday isla durbadii waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo gooobta ka sameeyay baaritaano la xiriira dadkii ka dambeeyay dilka nin u shaqeynayay Turky-ga.

