Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo geystay khasaare kala duwan oo ka dhacay deegaanka Wargaduud oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay Xalay saqdii dhexe weerar culus ku qaadeen Saldhiga deegaanka wargaduud ku leeyihiin ciidanka dowladda kenya, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Weerarkaas ayaa la sheegay iney ku dhinteen 5 ruux oo 4 ka mid ah ahayeen askarta ciidanka Booliiska dalka Kenya, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

