Kulanka Madaxweynaha iyo Siyaasiyiinta oo Maanta Mogadisho Ka Furmaya

0

Muqdisho waxaa maanta ka furmaya kulan wadatashi ah oo ay wada qaadanayaan madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo siyaasiyiinta dalka, kaas oo ku saleysan wadatashi iyo is-qancin in looga gudbo xaaalada dalka uu ku jiro.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa casuumaad u diray Madaxweynayaal hore, raisulwasaarayaal hore iyo siyaasiyiin hore.

Kulankaan ayaa socon doona laba Maalin 12-14 Bishaan July sida lagu xaqiijiyay jadwalka shirka.

Xubnaha casuumaadda loo diray ayaa kala Sheekh Shariif,  Cumar Cabdirashiid ,Xasan Cali Kheyre, Cabdiwali Gaas,  Cali Maxamed Geeddi, Maxamed Xuseen Rooble, Prof Jawaari, Shariif Xasan Sheekh Aden, iyo Maxamed Mursal, Madaxweyne hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo,Cabdi Farax Shirdoon ,Cabdiwali Sheekh Axmed.

Shirka oo maanta furmaya waxaa muqdisho ku sugan Madaxweynihii hore Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed iyo Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaarayaashii hore Xasan Kheyre, Cumar C/rashiid, C/weli Gaas, Xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo Wasiirkii hore Waxbarashada Dr. Cabdinur, shariif xasan sheikh aadan.

Kulankaan waxaa ka cadurdaartay Madaxweyne hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyo raisulwasaarayaashii hore Cabdi Farax Shirdoon ,Cabdiwali Sheekh Axmed.

Mogadishu waxaa xalay ka dhacay kulanka u dhaxeeyay siyaasiyiinta ka qeyb galaya kulanka waxayna ka arinsadeen ajandayaasha ay maanta la hortagi doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo martigelin doono shir wadatashi oo uu Mas’uuliyiintan hore la yeelan doono oo uu kala hadli doono go’aanadii bishii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran oo ku saabsan hannaanka doorashada.

Dhanka kale Villa Soomaaliya oo kulankaan martigalinaysa ayaa ka hadashay martigalinta kulanka iyo muhiimadda uu leeyahay.

Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in iyadoo laga duulaya xaqiijinta Soomaali heshiis ah maanta muqdisho ka furmi doono kulan wadatashi ah oo ay wada qaadanayaan madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka, kaas oo ku saleysan wadatashi iyo is-qancin  looga gudbo xaaalada dalka uu ku jiro.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu u mahadcelinayaa madaxdii hore sida ay u soo ajiibtay ka qeyb-galka kulankan ayaa madasha kula wadaagi doona waxyaabaha u qabsoomay dawladda intii uu xafiiska joogay, caqabadaha jira iyo hiigsiga mustaqbalka.

“Madaxweynaha ayaa dhageysan doona aragtidooda ku aadan xaalada dalka, amniga , ciribtirka Al-shabaab, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka  dalka la filayo in lagu qabto.

Siyaasiyiinta kulanka ka qeyb galaya ayaa dhamaantood ka hor yimid heshiiskii Golaha watashiga qaran ee 27-kii bishii May kuwada gaareen Magaaladda Muqdisho.

Qodobadda heshiiska waxaa kamid ahaa in dalka uu aado doorasho ayna shacabka soo doortaan wakiiladooda,lagana gudbo nidaamka soo magacaabista Raisulwasaaraha,dalkana yeesho Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-xigeen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here