Raisul wasaaraayashii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta soo saaray talo soo jeedin ku aadan habka loo wajahayo doorashooyinka Puntland.
Talo soo jeedintooda waxay ku sheegeen in aan xilligan jirin sabab loo furo dastuurka Puntland. Waxay kaloo sheegeen in ay muhiim tahay in ilaaliyo doorashada madaxweynaha Puntland oo ay ku dhacdo waqtigeedii 8 January 2024.
Raysal wasaarihii hore ee dalka, iyo madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Cali Gaas, ayaa sheegay inay ku baaqeen in la gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan in la badbaadiyo dimuqraadiyadda Puntland.



