Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa saaka howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanno ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.
Howlgalladaan oo socday muddo kooban, waxaa lagu burburiyey maxkamad ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaano ka tirsan degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/Hoose.
“Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa saakay howlgal qorsheysan ku burburiyey maxkamad beenaadkii shabaab ku lahayd deegaano hoos taga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaarada warfaafinta.
Howlgalkaan ayaa ku dhacay si nabad ah, kadib kolkii ay halkaasi isaga carareen Al-shabaab ee sida dhuumaaleysiga ah u jooga Shabeelaha Hoose.

