Dowlada Mareykanka gaar ahaan waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa beeniysay in diyaarad drones ay kaga dhacday Gobalka Gedo ee Koonfurta Dalka Soomaliya.
Afhayeenka Taliska Mareykanka ee Africa Chuck Prichard, oo warbaahinta la hadlay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada al-shabaab ee ah in gacanta ku dhigeen diyaarad kuwa drones-ka oo 6-gantaal ay ku xirnaayeen.
Chuck Prichard afhayeenka taliska Mareyakanka Africa waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin diyaarad ka maqan dowlada Mareykanka oo kuwa duqeymaha Fuliya ah.
Shalay war kasoo baxay al-shabaab ayaa lagu sheegay in gacanta ku hayaan diyaarad ku drones-ka oo mareykanka laga leeyahay oo kusoo dhacday deegaan 70-km u jira Magaalada Baandheere ee Gobolka Gedo.

