Shiinaha oo Ka Hadlay Xaaladda Xaaladda Ka Taagan Magaaladda Laascaanood

0

Dawladda Shiinaha ayaa golaha ammaanka dhexdiisa kaga hadashay arrimaha Soomaaliya ka dib booqashadii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay Zhan Jun oo si faahfaasan uga hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday dagaalka Laascaanood.

“Dagaalka Laasacaanood ee u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyada deegaanka waxaan ugu baaqeynaa dhammaan qeybaha dagaalka ku lugta leh inay degdeg xabadda u joojiyaan, ciidamadooda kala baxaan wadahadalna ay galaan” ayuu yiri.

Hore ayey saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya u cambaareeyeen dagaalka Laascaanood. Bayaan ay soo saareen ayey ku sheegeen in ay “aad uga welwelsan yihiin” saameynta dadka rayidka ah kasoo gaareysa isku dhacyadan socday muddada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here