Xildhibaanada baarlamanka soomaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku leeeyihiin xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Kulanka Maanta ee xildhibaanada Baarlamanka soomaliya waxaa hortagaya wasiirada arrimaha Gudaha iyo amniga ee xukuumadii Soomaliya kadib markii dhawaan ay yeeshteen Mudanayaasha Baarlamanka soomaliya lagu wargaliyay wasiiradaas in ay hor yimadaan xildhibaanada hortooda si wax loogu weydiiyo arimaha ay tabanayaan qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamanka soomaliya.
Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamanka soomaliya ayaa gudoonka sare ee baarlamanka soomaliya u gubdiyay in lagu xadgubsay xasaanadii ay la lahaayeen xildhibaanada Baarlamanka soomaliya.
Dhanka Gudoonka sare ee Baarlamanka soomaliya ayaa sheegay In uu xukuumadii Soomaliya kala hadlay arrimaha la xiriira in aan la baarin xildhibaanada isagoo tilmaamay Gudoonka in xukuumada ay arintaas ka aqbashay.

