ATMIS oo Saldhig Ciidan ku Wareejisay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed

0

Ciidanka ATMIS ayaa si horudhac ah ugu wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Saldhig ciidan oo ay gacanta ku hayeen. Waa saldhiggii labaad ee lagu wareejiyo ciidanka xoogga dalka, si ay qeyb uga noqoto dhimista 2000 oo askari dhamaadka June 2023.

Saldhiggan oo kuyaala degaanada Hirshabeelle, ayaa tan iyo 2016 ku jiray Aagga ay mas’uulka ka yihiin ciidamada Burundi ee ATMIS.

Wareejinta saldhiggan waxay waafaqsan tahay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo sheegaya in ATMIS ay si tartiib tartiib ah mas’uuliyadda amniga ugu wareejiso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Taliyaha ATMIS ee aaggan, Maj. Leonce Segetera, ayaa xaruntan ku wareejiyay taliyaha ciidanka Xoogga dalka ee aaggaas, Xasan Axmed Xasan, iyadoo munaasabadda uu goob joog ka ahaa sarkaalka ATMIS u qaabilsan dhanka saadka, Col. Collins Musau, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ATMIS iyo SNA.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here