Madaxweyne Xasan Shiikh oo QM ka Codsaday in Laga Qaado Cunaqabataynta Hubka

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa codsi u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC), isagoo ka codsaday inay dib u eegaan cunaqabataynta hubka ee saaran dalka tan iyo 1992-kii.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay xaaladda amniga Soomaaliya ee xilligan iyo horumarka laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab.

“Waxaan garwaaqsanahay in Al-shabaab laga adkaado ay u baahan tahay habab dhinacyo badan leh oo ay ku jiraan ciidammo ammaan oo karti iyo hufnaan leh, geeddi-socod dowlad-dhiseed oo loo dhan yahay, iyo awoodda dowladdu ay u leedahay inay bixiso adeegyada muhiimka ah ee shacabka,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in horumar la taaban karo ay Soomaaliya ka gaartay la dagaallanka maal-gelinta Alshabaab, oo ay ka mid tahay adkeynta xeerarka ka hortagga lacagaha la dhaqo iyo in la xiro in ka badan 300 oo xisaabaad oo lacago sharci darro ah lagu siin jiray ururka Alshabaab.

Xasan Sheikh wuxuu ka codsaday ergada UNSC inay u doodaan sidii guud ahaan looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka, isagoo caddeeyay in tallaabadaas ay Soomaaliya u suurtagelineyso in si wax ku ool ah loola dagaallamo argagixisada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here