Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlayay mamaulka cusub ee dhawaan madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) u magacaabay gobolka Gedo ayaa sheegay in maadaama gobolkaasi uu ka mid yahay Jubaland ay dowladdu ku saxantahay in ay ku tagaeerto jubaland mamaulka loo magacaabay.
Fiqi ayaa sheegay ka wasiir ahaanna uu mowqifkiisu yahay midka dowladda,isagoo muujiyay in tillaabadaas sabab looga hor yimaado aane muuqan.
Xaaladda Gobolka Gedo ayaa ah mid cakarin,waxaana jira siyaasiyiin kasoo horjeeda Maamul halkaas loo magacaabay.

