Guddiga nabad galyada gobolka Nugaal ayaa beeniyay warar xalay lagu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegaya in laga cabsi qabo inuu dagaal mar kale ka qarxo magaalada Garowe.
Wararkan ayaa sababay in magaalada Garowe xalay laga dareemayo barakac ballaaran, iyadoo dadku ka cararayaan in mar kale korkooda lagu dul dagaalamo.
Guddiga nabad galyadu waxay sheegeen in aanay jirin wax tallaabo ciidan oo la sameeyay, waxayna dadka ku wargaliyeen inay guryahooda ku sugnaadaan oo aysan ku kadsoonin wararka lagu faafiyay baraha bulshada.
Guddoomiyaha guddiga nabad galyada, ahna guddoomiyaha gobolka Nuagal, Cawil Mataan, ayaa sheegay in hay’adaha amnigu ay tallaabo ka qaadidoonaan cid kaste oo faafinaysa wararka been abuurka ah ee bulshada lagu marin habaaninayo.’

