Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ismiidaamin ah ku bilaawday oo maanta ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Weerarka koowaad ayaa ka dhacay xarunta ADC-da degmada Baardheere, halkaas oo la sheegay inu tababar uga socday dhalinyaro dooneysay iney ka mid noqdaan ciidanka dowladda Soomaaliya, iyadoo weerarka labaadna uu ka dhacay koontarool ku yaala agagarka garoonka diyaaradaha degmadaas.
Qaraxyada oo ahaa kuwa loo adeegsaday laba gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay iney ku dhinteen ilaa 8 ruux, iyadoona ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 19 ruux oo u badan dad shacab ah.

