Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali jeyte oo hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ahaa Xarakadda Al-shabaab.
Wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray ayuu ku sheegay in uu xilkii ka qaaday Cali Jeyte,islamarkaana xilkaas u magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).
Cali Jeyte oo afar mar soo noqday Gudoomiyaha Gobolka hiiraan ayaa xilkaan loo magacaabay Maarso, 29, 2020-kii,wuxuuna noqday gudoomiyihii ugu horeeyay ee hormuud u noqda dagaalka ka dhanka ahaa Al-shabaab, isagoo xiligaas teegeero ka heleynin Maamulkiisa,iyo dowladda Federaalka Soomaaliya midna.
Wuxuu hogaamiyay dagaalo Xarakadda Al-shabaab loogu saaray degmooyin, deegaano,iyo tuulooyin Al-shabaab,kaasi oo markii dambe ku faafay, guud ahaa Hir-shabeelle iyo Dowladd Goboleedka Galmudug.
Khilaaf soo jiitamayay muddo oo u dhaxeeyay Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen, iyo Gudoomiye Cali Jeyte ayaa sabab u noqday xil ka qaadistiisa sida la rumeysan yahay.
Khilaafka ayaa salka ku hayay canshuurta laga qaado Gobolka Hiiraan, oo ah gobolka dhaqaalaha ugu badan kasoo galo Hir-shabeelle,taasi oo labada mas’uul isku qabteen.
Dhanka kale Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali jeyte oo hogaan u ahaa wajiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ahaa Al-shabaab ayaa dhowr jeer ku eedeeyay Madaxda Hir-shabeelle iyo dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka caga jiidayaan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Cali Jeyte ayaa dhowaan sheegay in qorshaha cusub ee wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka gedisan yahay midkii wejiga koowaad la tijaabiyay ee kacdoonka shacabka, kaasi oo Al-Shabaab looga lagaga saaray deegaano horleh.
Jeyte ayaa ka dhawaajiyay in qorshaha dagaalka uga harayo madaxda sare ee dalka, maadaama laga leexday nidaamkii uu hore ugu guuleystay wejiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, ee ahaa kacdoon dadweyne.
Dhanka kale Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Xasilinta iyo arrimaha rayidka goobaha lagala wareegay Al-shabaab Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay April, 23, 2023-kii qorshe ay la damacsan Al-shabaab guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.
Maxamed Cabdi Waare ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Al-shabaab ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in xilka looga xayuubiyo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo uu xusay iney ku bixineyso lacag Malaayiin doolar ah.
Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa sidoo kale xusay in xil ka qaadista guddoomiye Cali Jayte ay tahay mid u hiilinaysa Al-Shabaab, islamarkaana ay hoos u dhigeyso howlgallada ka socda gobolka ee uu hormuudka ka yahay guddoomiye Cali Jeyte.

