Mucaaradka Doorashada Puntland oo Beeniyay in ay diideen Wada-hadal

0

Madasha siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa sheegay in aysan ka warqabin ama aysan diidin wadahadallo looga hadlayo muranka doorashada Puntland.

Qoraal ay soo saareen ayay ku beeniyeen hadalkii shalay kasoo yeeray wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland oo ku aadan in xubnaha mucaaradka ay diidan yihiin wada-hadalka.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxa, ayaa jimcihii shalay sheegay in siyaasiyiinta doorashada kasoo horjeeda ay diideen inay kasoo qeyb galaan kulan qado ah oo ay ku casuumeen, si loo wada hadlo.

“Madasha Siyaasadda Puntland kama warqabto shirar/wadahadallo horay loo sii qorsheeyay oo looga hadlayo qalalaasaha doorashada Golayaasha degaanka Puntland balse waxaan u aragnaa arrintan inay tahay fariin been abuur ah iyo wax is daba mari.”ayaa lagu yiri qoraalka  madasha.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here