Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al-shabaab ka sameeyay deegaanka Cali Fuuto oo ka mid ah hoostaga degmada Kuntawaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa la tilmaamay inuu dhacay Shalay oo Jimco aheyd, kadib markii ciidamada Sirdoonka Qaranka ay heleen xog la xariirta in deegaanka Cali Fuuto ay isku aruuraanayeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo diyaarinaayay dhagar ku aadan Shacabka Soomaaliyeed ayaa lagu yiri Waraaxafadeedka dowladda Soomaaliya.
Warsaxafadeed ayaa sidoo kale lagu sheegay in Howlgalka ka dhacay deegaanka Cali Fuuto ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu burburiyay godad halkaasi uga qodnaa Shabaab, islamarkaana looga qabsaday hub iyo saanad kale.

