Siyaasiyiinta Puntland oo Ka Hor Yimid Go’aanka Madaxyooyadda Puntland

0

Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Puntland ayaa si adag uga horyimid tallaabada uu qaaday Golaha Wasiirada maamulkaasi, ee uu ku ansixiyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka.

Bayaan kasoo baxay Madashaan ay ku midaysan yihiin hoggaamiyeyaasha isbeddel-doon ah ayaa waxaa lagu sheegay inay kasoo horjeedaan ku xad-gudubka Dastuurka Puntland ee maamulka muddada yar u harsan tahay ee uu hoggaamiyo Saciid Deni, oo isagu caadeystay ku tumashada shuruucda maamulkaas, sida lagu yiri bayaankan.

“Madasha Siyaasadda Puntland waxay si xooggan uga soo horjeeddaa ansaxin-ku-sheegga sharci-darrada ah ee Golaha Wasiiraadu ay 4tii May 2023 wax uga baddaleen Dastuurka Puntland. Waxaan ugu baaqaynaa MD. Siciid Deni iyo Xukuumadiisa in ay joojiyaan wax ka beddelka Dastuurka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Madasha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here