Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in anay suuragal ahayn in wadahadal hada dhexmaro Somaliland iyo Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in labada dhinac anay hada ku jirin jawi dagan oo ay ku wadahadli karaan, isla markaana loo bahanyahay in dhinacyadu isa soo hagaajiyaan.
“Ma jiro wadahadal Somaliland iyo Soomaaliya ah oo hada dhacaya, Somaliland qalalaase ayay ku jirta, mid dagaal ayay ku jirtaa, qalalaase siyaasadeed ayay ku jirtaa, madaxweynaha wakhtigiisii wuu dhamaaday, wax aanu isla ognahayna ma jirto” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Soomaaliya ay adduunka ka dhaadhicisay in wadahadaladu ay yihiin kuwo lagu midaynayo labada dhinac, waxa kale oo uu sheegay in Soomaaliya anay ka jirin dowlad ay talo ka godo, Somaliland-na ay qalalaase siyaasadeed ku jirto, marka loobahanyahay in dhinacyadu horta iyagu is hagaajiyaan.

