Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafa Muxumed Cumar ayaa Caawa Magaalada Addis Ababa casho Sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdigiisa booqashada ku jooga dalka Itoobiya.
Casho Sharafta kadib masuuliyiinta ayaa yeeshay wada hadalo miro dhal ah oo lagaga hadlay iskaashiga labada dhinac ee amniga xuduudaha, dhaqaalaha iyo wadaaga khibradaha Hay’adaha kala duwan.
Mr. Cagjar ayaa u balanqaaday madaxweyne Axmed Madoobe in ka maamul ahaan ay taageero kala duwan siinayaan, waxa uu sidoo kale ku amaanay sida Jubaland ay isugu diyaarisay iney xoreysato deegaanada wali gacanteeda ka maqan.
Si kastaba, Madaxweyne Axmed Madoobe oo maalmahan socdaal ku jooga dalka Itoobiya ayaa la filayaa inuu kulan gaar ah la qaato ra’iisul wasaare Abiye Axmed, isu soo dhawaanshaha labada dhinac waxaa ka shaqeeyay Imaaraatka Carabta oo Jubaland ka doonaya dekeda magaalada Kismaayo.




+6
All reactions:
504

