RW Xamza Cabdi Barre oo Sameystay Isbaheysi Ka Dhan ah Xukuumadiisa

0

Maalmihii dambe waxaa jirey mooshin la sheegay in laga wado Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo xukuumadiisa lagu eedeeyay waxqabad la’aan iyo in ay ku fashilantay qorshayaashii ay soo bandhigtay.

Siyaasi Dr Xasan Cadey oo kamid ah falanqeeyaasha siyaasadda Soomaaliya oo wareysi siiyay idaacadda Simba ayaa sheegay in siyaasadda Soomaaliya ay qeyb ka tahay in la is dhaliilo,balse dhaliil walba ay hoos u dhigto dadaaladda xiligaas socda.

Waxa uu sheegay in Xukuumadda hadda jirta loo sheegi karo waxybaaha ay ku xun tahay iyo kuwa ay ku wanaagsan  tahay,balse aan loo baahneen in jawaabo adag laga bixiyo.

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka aadan Cadde.

Waxaa la sheegay in Raisulwasaraha uu haatan bilaabay in uu sameysto isbaheysi culus kaasi oo loogu hortagayo mooshinada iyo hadalada culus eek a imaanaya siyaasiyiinta dhaliishan Xukuumadiisa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here