Gudoomiye Madaale;-“Mashaqeyn Karto Bajaaj aan Laheyn Sumada A iyo B”

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcale (Madaale) ayaa sheegay in laga bilaabo maanta oo Isniin ah oo dhaqan galayo go’aankii golaha wasiirada ee ahaa in Mootooyinka bajaajka loo qeybiyey A iyo B.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa ayuu sheegay in go’aanka bajaajta lagu kala qeybinayo uu waajib yahay in la dhaqan galiyo,islamarkaana cidii ka hor imaadda lala xisaabtami doono.

Sidoo kale waxa uu sheegay  Gudoomiye Madaale in bajaajtu ay shaqo abuur fiican u noqotay kumanaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka biila qoysaskooda kuna maareeya nolol maalmeedkooda.

“Dowlad sideedaba waxay masuuliyadi ka saaran tahay ilaalinta nidaamka iyo kala dambeynta, fududeynta isku socodka iyo wax kasta oo bulshada dan u ah” ayuu yiri Madaale.

Waxaa uu sheegay in gobolka Banaadir isagoo ka duulaaya go’aankii ka soo baxay golaha Wasiirada maanta oo Isniin ah bilaabayo midabeynta mootooyinka bajaajka si loogu qeybiyo A iyo B si loo yareeyo ciriiriga ka jira isku socodka magaalada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here