Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan xasillinta iyo arrimaha rayidka deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab Maxamed Cabdi Waare ayaa si cad u sheegay in Madaxda Al-shabaab ay maalaayiin dollar ku bixinayaa in xilka laga qaado Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo hogaaminayo dagaalka ka dhan.
Qoraal oo ku daabacay Ergeyga bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay in Al-Shabaab ay malaayiin dollar ku bixineyso sidii xilka looga qaadi lahaa guddoomiye Cali Jayte Cismaan.
Ergeyga ma uusan cadeynin cidda ay siineyso lacagta Alshabaab, si shaqada looga eryo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cali.
“Waxaan helnay xog lagu kalsoon yahay oo sheegeysa in Al Shabaab ay malaayiin lacag ah ku bixineyso sidii guddoomiye Cali Jeyte loo bedeli lahaa. Bedelka Guddoomiye Jeyte ayaa ah mid gurmad iyo nasteexo siinaysa Shabaab. Madaxweyne Gudlawe Hussein iska daa Guddoomiye Jeyte!”ayuu ku yiri qoraalkiisa Ergeyga Xasilinta ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Waare.
Hadalka Ergeyga gaarka ah ee arrimaha xasilinta Maxamed Cabdi Waare ayaa ku soo beegmaya xilli uu khilaaf dhinaca ururinta canshuuraha gobolka Hiiraan uu ka dhexeeyo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

