Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadahii lasoo dhaafay kooxda Al-shabaab kala wareegay deegaanada kala ah Ceelbiyoodyo iyo Ceel Cali Xasan oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug.
Taliyaha guutada afaraad ee qeybta 27 -aad ee ciidanka xoogga dalka Korneyl Saney Cabdulle ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in ciidamada ay burburiyeen fariisimahii shabaab ku laheyd tuulada Ceelbiyoodyo oo ka mid ah deegaanada hoostaga Budbud.
“Intii uu socday howlgalka waxaa Ciidamada bixiyeen Miinooyin Khawaarijtu galisay Jidadka ugu mashquulka badan ee ay isticmaalaan shacabka Gobollada Galgaduud iyo Shabeellada dhexe, kaas oo isku xira Wabxo, Budbud iyo Galcad” ayuu yiri Korneyl Saneey Cabdulle.
Taliye Saneey Cabdulle ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab ay ugu daba tagayaan gododka iyo geedaha ay ku dhuumaaleeysanayaan ilaa inta ay ka xureynayaan dhamaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

