Ciidamadda dharcadka NISA ka tirsan ee ka howlgala degmada Howlwadaag iyo Rag ka tirsan Al-Shabab ayaa ku dagaalamay isgoyska bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in saddex kamid ah Shabaab oo qoryo ku hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ay fadhiyeen ciidanka dharcadka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo 30 daqiiqo gaareysa socday, waxaana la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Saraakiil ka tirsan NISA ayaa sheegay in dableydii Shabaab ee weerarka soo qaaday ay iska caabiyeen oo ay ka dileen hal dagaalame, waxaana laga qaatay qorigii uu watay, iyagoo sidoo kale isaga cararay mootadii ay wateen oo haatan ciidamadda dowladda ay gacanta ku hayaan.

