Al-shabaab oo Weeraray Saldhig ay Ku Sugnaayeen Ciidamadii Eretria Laga Keenay

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo ku bilowday oo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ay saakay ku qaadeen Degmadda Ruun-nirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka Tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed,gaari qaraxyo laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay saldhig dhawaan la dajiyay ciidamadda laga keenay dalka Eretria kaasi oo ku yaala deegaanka Daarul-nimca oo hoos yimaadda Degmadda Ruun-nirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxa kadib waxaa saldhiga ka bilowday dagaal toos ah oo u dhaxeeyay ciidamadda laga keenay dalka Eretria iyo dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay Degmadda Ruun-nirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalyahanadda Al-shabaab oo lumiyay saldhigyo muhiim ah ayaa maalmihii dambe kordhiyay weeraradda ay la beegsanayaan saldhigyadda ay ku sugan yihiin ciidamadda Dowladda Soomaliya ee dhawaan laga qabsaday.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here