Villa Soomaaliya oo Tilaabo Qaaday Kadib Kulan Dhexmaray Deni iyo Wakiiladda Beesha Caalamka

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka xumaaday kulan Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Kenya ku dhexmaray Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni iyo Wakiiladda Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Maamulka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo hawlo shaqo u jooga Magaalada Nairobi ayaa kulan halkaas kula yeeshay Madax ka tirsan Beesha Caalamka, gaar ahaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya sida UK, USA, EU, Norway, Sweden, Denmark, Germany, Holland, Switzerland, Belgium iyo World Bank.

Shirka u dhaxeeyey Puntland iyo Beesha Caalamka ayaa looga wada hadlay:

  1. Arrimaha horumarinta Puntland, gaar ahaan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo doorashada.
  2. Xaaladda Colaadda Gobolka Sool
  3. Arrimaha dowlad dhiska Soomaaliya ee ku saleysan federaalaynta Dalka, gaar ahaan qaybsiga deeqaha horumarinta iyo mowqifka Puntland ee ku aadan shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka, iyadoo Puntland horay u caddeysay go’aankeeda ka maqnaanshaha shirarkaas.

Sida ay sheegayaan wararka Madaxtooyada Soomaaliya oo arintaas ka xumaaday ayaa Safaaradaha dalalka deeqda bixiya qaarkood cabasho u gudbisay, taasoo ku wajahan kulankan ay kula yeesheen Puntland meel kabaxsan Soomaaliya.

Xubnaha beesha caalamka oo ka jawaabaya dalabka Dowladda Soomaaliya ayaa ka biya diiday madaxweyne Deni in uu toos loo siiyo deeqaha beesha caalamka,waxayna ugu baaqeen in uu ku biro shirarka Golaha watashiga Qaran,islamarkaana halkaas kusoo bandhigo cabashadiisa.

Madaxweynaha Puntland oo ku hungoobay damacii ahaa heladda labadda jago ee ugu sareysa dalka,sida Madaxweynaha iyo Raisulwasaaraha,waxayna taasi keentay in colaad u qaado Jubbaland oo qaadatay raisulwasaaraha iyo Madaxweynaha uu kusoo baxay Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa dhegaha ka fureystay fariimo dhexdhexaadin ah oo kayimi dhanka wakiilada caalamiga ah, si uu shirkii Magaaladda Baydhabo u xaadiro oo uu tabashadiisa madasha ugu soo bandhigo.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here