Madaxweynaha Puntland oo Nairobi Kulan Ku Yeeshay Beesha Caalamka

0

Madaxweynaha Puntland l Siciid Cabdullaahi Deni iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo hawlo shaqo u jooga Magaalada Nairobi ayaa kulan halkaas kula yeeshay Madax ka tirsan Beesha Caalamka, gaar ahaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya sida UK, USA, EU, Norway, Sweden, Denmark, Germany, Holland, Switzerland, Belgium iyo World Bank.

Shirka u dhaxeeyey Puntland iyo Beesha Caalamka ayaa looga wada hadlay:

1. Arrimaha horumarinta Puntland, gaar ahaan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo doorashada.

2. Xaaladda Colaadda Gobolka Sool

3. Arrimaha dowlad dhiska Soomaaliya ee ku saleysan federaalaynta Dalka, gaar ahaan qaybsiga deeqaha horumarinta iyo mowqifka Puntland ee ku aadan shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka, iyadoo Puntland horay u caddeysay go’aankeeda ka maqnaanshaha shirarkaas.

Masuuliyiinta Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeyey hormarka ka socda Puntland oo ay ugu horeyso in barnaamijka doorashooyinka uu si habsami leh u socdo iyo dhammeystirka is diwaangelinta codbixiyaasha.

Kulankan ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya Madaxda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here