Faah-faahin:Qaraxyo Lagu Weeraray Mas’uuliyiin iyo Saraakiil Gobolka Gedo

0

Warar kala duwan ayaa laga helayaa weerar qaraxyo ku bilowday oo saakay lagu weeraray Guriga Martida ee magaaladda Baardheere ee Gobolka Gedo.

Sida naloo xaqiijiyay guriga qaraxa lagu weeraray waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Gedo oo siyaasadd ahaan kasoo horjeedda Maamulka Jubbaland axmed madoobe hogaamiyo,saraakiil ciidan iyo xildhibaano ka Tirsan Dowladda Soomaaliya.

Sida naloo xaqiijiyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ayaa galay guriga Martida baardheere,waxaana jugta qaraxa si weyn loogu maqlay guud ahaan Magaaladda baardheere ee Gobolka Geedo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta qaraxa ku dhaawacmay ay kamid yihiin Gudoomiyihii Gobolka Geddo Axmed Buulle Gareed, iyo abaanduulihii 43-aad labaale iyo mas’uulyiin kale.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Gedo,waxaa la xirey guud ahaan wadooyinka soo galayay guriga la weeraray.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Degmadda Baardheere ee Gobolka Gedo,waxayna sheegeen in sidii loo qorsheeyay uu u dhacay.

Qaraxaasi kadib, kooxda Shabaab ayaa weerar madaafiic ah la beegsatay goobta Ismiidaaminta ay ka dhacday, iyadoo ay dhaawacyo horleh soo gaareen dadkii u gurmaday dhaawacyada qaraxii hore.

Degmada Baardheere waxaa maalmhaan ka socday shirar loogu soo horjeeday maamulka Axmed madoobe Jubbaland,waxaana gobolka ku sugnaa Xildhibaano iyo wasiir Hore iyo siyaasiyiin Gobolka kasoo jeedda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here