Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa 15-ka bishaan ka furmi doona shirka Golaha watashiga Qaran.
Shirkaan uu shir gudoomin doono madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh maxamuud ayaa waxaaa ka qeyb galaya madaxweynayaasha Galmudug,hir-shabeelle,Koonfur Galbeed Soomaaliya oo marti loo yahay, Jubbaland,Gobolka Banaadir, balse waxaa diiday shirka Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.
Shirka baydhabo waxaa looga hadli doonaa qodobo ay ka mid yihiin dhammeystirka nidaamka federaalkan Amniga, doorashooyinka iyo arrimo kale oo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Siyaasi Maracadde oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in ceeb ay ku noqon doonto Villa Soomaaliya in shirka baydhabo ay qabato iyadoo uu maqan yahay Madaxweyne Deni.
Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ka hor doorashadii uu ku guuleystay uu kamid ahaa xubnihii ku doodayay in maqnaanshaha Puntland shirarka muqdisho la aqbali Karin.
Sidoo kale waxa uu sheegay in wax natiijo ah aan laga fileynin shirka Baydhabo,Kaliyah la oran doono waxaa kulmay madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar kamid ah madaxweynayaasha maamul Goboleedyadda.
Ugu dambeyntii Siyaasi Maracadde wuxuu ugu baaqay in Villa Soomaaliya ay ka fiirsato shirka Magaaladda baydhabo in la qabto iyadoo ay maqan tahay Puntland,lana xalinin tabashadda Madaxweyne Saciid Deni.

