Shir Ka Furmaya Baydhabo, iyo Madaxweyne oo Diiday Ka Qeybgalkiisa

0

Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa 15-ka bishaan ka furmi doona shirka Golaha watashiga Qaran.

Shirkaan uu shir gudoomin doono madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh maxamuud ayaa waxaaa ka qeyb galaya madaxweynayaasha Galmudug,hir-shabeelle,Koonfur Galbeed Soomaaliya oo marti loo yahay, Jubbaland,Gobolka Banaadir, balse waxaa diiday shirka Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Sida xogaha ay tilmaamayaan, Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa dhegaha ka fureystay fariimo dhexdhexaadin ah oo kayimi dhanka wakiilada caalamiga ah, si uu shirkaasi u xaadiro oo uu tabashadiisa madasha ugu soo bandhigo.

24-kii bishii hore ee February ayay ahayd in la qabto shirkan, balse dib ayuu u dhacay, si Siciid Deni looga dabciyo go’aankiisa oo uu shirka u tago balse laguma guuleysan dadaaladii socday.

Ilo wareedyo lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya in madaxweyne Siciid Deni diidmadiisa uu sal uga dhigay khilaafka kala dhexeeya Jubaland iyo dowladda Soomaaliya oo xaadiraya shirka magaalada Baydhabo ka dhacaya maalinimada Arbacada ee todobaadkan.

Arintaan ayaa sii fogeynaysa khilaafka Madaxtooyadda soomaaliya iyo Puntland oo kasoo bilowday doorashadii 15-kii bishii may sanadkii 2022-kii ka dhacday magaaladda muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku hungoobay damacii ahaa heladda labadda jago ee ugu sareysa dalka,sida Madaxweynaha iyo Raisulwasaaraha,waxayna taasi keentay in colaad u qaado Jubbaland oo qaadatay raisulwasaaraha iyo Madaxweynaha uu kusoo baxay Xasan Shiikh Maxamuud.

Shirka baydhabo waxaa looga hadli doonaa qodobo ay ka mid yihiin dhammeystirka nidaamka federaalkan Amniga, doorashooyinka iyo arrimo kale oo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here