Dowladda Soomaaliya oo Go’aan Kasoo Saartay Muwaadiniin Ku Xiran Xabsiyada

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey shirka guddi hoosaadka Golaha Wasiiradda ee tiirka Soomaali Dunida Heshiis La ah, la qabtay saacadihii lasoo dhaafay.

Shirkaas ayaa looga hadlay ansixinta siyaasadda qaran ee qurbo joogta Soomaaliyeed oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah.

Shirka ayaa sidoo kale looga dooday hannaankii loo soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku go’doonsan meelo badan oo adduunka ka mid ah.

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhalinyaro u badan ayaa ku jira xabsiyo kala duwan oo caalamka ah, kuwaas oo baahi wayn u qaba in loo fududeeyo sidii ay dalkooda hooyo ugu soo laaban lahayeen, iyagoo nabad qaba.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa tilmaamay in xukuumadda dan-qaran ay ka go,an tahay sidii muwaadiniinteeda ku xiran jeelasha kala duwan ee adduunka ay si nabad ah ugu soo celin lahayd dalkooda hooyo.

Saalax Axmed Jaamac ayaa cadeeyey in dowladdu muhiimad gaar ah siinayso qurba -jooga Soomaaliyeed ee ku nool wadamada caalamka oo kaalin wayn ugu jira dowladnimada Soomaaliya.

Inta badan dalalka caalamka, haba ugu badnaatee Afrika waxaa ku xiran muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhalinyaro u badan, kuwaas oo garabkii ay u baahnaayeen aan ka helin dowladda Soomaaliya oo aad ugu mashquulsan arrimaha gudaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here