Dagaalyahano ka Tirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ku qaaday xero ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa darawaiishta Jubbaland kaga sugnaayeen deegaanka Janaay Cabdalle ee duleedka Kismaayo.
Xerada Al Shabaab weerareen gudaheeda ayaa waxaa ka dhacay dagaal culus oo dhax maray ciidamadii halkaasi ku sugnaa iyo Shabaabkii weerarka soo qaaday.
Al Shabaab war ay soo saareen ayey ku shaaciyeen in weerarka ay ku qaadeen xerada Janaay Cabdalle ku dileen 89-askari ,sidoo kale weerarka ku dhaawaceen askarta gaareysa tobanaan .
Warka kasoo baxay Al Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in jidka u galeen ciidamo kale oo gurmad ugu socday deegaanka Janaay Cabdalle, waxa ayna sheegeen in weerarkaasi ku dileen askar kale kuna qabsadeen gaadiid dagaal.

