Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo Ka Hadlay Dilka Mooto Bajaajle

0

Taliska Boliiska qeybta guud ee Gobolka Banaadir ayaa war kasoo saaray dil askar ka tirsan ciidanka dowlada u geysteen darawal mooto bajaajta

“Galabta abaara 04:00pm Dabley Hubeysan oo ka koobnaa labo nin oo Mid kamid ah watay Qoriga AK-47 ayaa wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Dhalinyarada ku shaqeysta Gaadiidka Moota Bajaajta Ku dilay Agagaarka Isgoyska Jubba ee Degmada Shangaani” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Booliska.

Sidoo kale, ciidanka Booliska ayaa qoraalkooda ku sheegay iney socdaan howlgalo lagu soo qabanayo ragga dilka iyo dhaca u geystay darawalka bajaajlaha ahaa.

“Ciidanka Booliska oo baaritaan hordhac ah sameeyay ayaana ogaaday in Eedeysanaha falka geystay iyo midka la socday labadu aheen askar dowladeed, raga ayaana goobta ka baxsaday, waxaana socda dabagal lagu hayo, dhawaan ayaana Bulshada la wadaagi doonaa waxa kasoo kordha” ayaa lagu soo gebagebeeyey warka booliska.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here